Malaayiin qof Iiraaniyiin ah ayay lama filaan ku noqotay in ay goob fagaare ah ku arkaan mid kamida Jeneraallada ugu sarreeya ciidanka ilaalada kacaanka dowladda Shiicada Iiraan kaas oo isbuucii hore la sheegay in lagu dilay duqeyn xagga cirka ah.
Jeneraal Ismaaciil Qaani ayaa lagu arkay isagoo ka qeyb gelaya iskusoo bax dabaal deg ah oo maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Dahraan, Qaani oo boqolaal kun oo ruux kula hadlay fagaaraha xoriyadda ee caasimadda Iiraan ayaa ku faanay in isaga iyo ciidankiisu ay jebiyeen Yahuudda.
Telefeshinka rasmiga ah ee ku hadla Afka dowladda Iiraan ayaa si Live ah utebinayay khudbadda uu jeedinayay Ismaaciil Qaani arrinkaas oo mar qura wax ka bedelay aaminaaddii ay bulshadu horay u aamineen in uu dhintay.
Taliska ciidanka Yahuudda ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray isbuucii lasoo dhaafay ku sheegay in uu duqeyn diyaaradeed ku dilay Jeneraal Qaani oo ah taliyaha ciidamada loo yaqaan Feylaq Qudus.
Wargeyska caanka ah ee New York Times oo horay utebiyay warkan ku saabsan dilka Jeneraal Qaani ayaa ka cudurdaartay wuxuuna saraakiisha ciidanka Yahuudda uu ku eedeeyay kuwa marin habaabinayay warbaahinta.
Bishii October ee sanaddii lasoo dhaafay ayay Yahuuddu sidaan oo kale usheegeen in Jeneraalkan Iiraaniga ah lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan balse markii dambe ayey sheegashadaasi beenoowday.