The Times Of Israel: Somaliland waxay qarka u saaran tahay in la ictiraafo.

Monday June 23, 2025 - 11:50:55
Liibaan Jeexoow
Mid ka mida wargeysyada ugu afka dheer Yahuudda oo magaciisa la yiraa The Time Of Israel ayaa sheegay in maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland uu horumar ballaaran ka sameeyey dhinaca qadiyadda ictiraaf-raadinta, qarkana u saaran tahay inay hesho aqoonsi caalamaiya.
Warbixin dheer oo wargeysku daabacay ayuu ku sheegay in haatan ay si xawliya ku socdaan dedaallada diblomaasiyadeed ee mas’uuliyiinta maamulkaasi ay ka dhex wadaan gudaha dalka Maraykanka iyo weliba qaybo badan oo ka mida dalalka dhaca Bariga iyo Galbeedka Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayuu wargeysku sheegay in dhawaan uu soo dhamaystiray booqasho uu ku tagay Maraykanka, taasoo horudhac u ah ayuu yiri safar rasmi ah oo la filayo C/Raxmaan-Cirro ku tago Washington DC.

Ilo diblumaasiyadeed oo heer sare ah ayaa wargeyska u sheegay in booqashada wasiirka si wanaagsan loo soo dhoweeyey, taasoo calaamad u ah ayay tiri warbixintu, marxalad muhiim ah oo uu gaaray ololaha muddada dheer ee Somaliland ugu jirtay helista aqoonsi rasmi ah.

Kadib booqashadaas, Xildhibaan Mareykan ah oo la yiraahdo Scott Perry ayaa horgeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Mareykanka hindise sharciyeed lagu magacaabo "Xeerka Aqoonsiga Somaliland”, kaas oo haddii la ansixiyo, uu mari doono labada aqal ee Congress-ka ka hor inta uusan gaarin miiska Madaxweynaha.

Hindisahan cusub ayuu wargeysku xusay inuu helay taageero ballaaran iyo meeqaam sare, xilli Mareykanku uu dib u eegayo siyaasaddiisa Afrika una kala hormarinayo "halista Shiinaha” marka loo eego Ruushka iyo Iiraan.

Xubno caan ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga (Republican) ayuu wargeysku ka dhawaajiyey inay taageero buuxda u muujiyeen hindisahaasi, waxaana ka mida Senator Ted Cruz oo dhowaan amaanay wax uu ugu yeeray dimuqraadiyadda Somaliland xilli uu ka qayb-galay kulanka Guddiga Arrimaha Dibadda.

The Reporter oo ah majallad todobaadle ah laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa warbixin ay maalmo ka hor daabacday ku sheegtay in tallaabada uu Maraykanku doonayo inuu ku aqoonsado Somaliland ay noqon doonto natiijo fiican oo sii xoojinaysa damaca badeed ee Itoobiya.

Wargeyskan Itoobiyaanka ah ayaa farta ku fiiqay in dalka Itoobiya uu rajeynayo in marinka cidhiidhiga ah ee ku teedsan xeebta woqooyi ee Somaliland uu noqon karo marin badeedkii ay muddada dheer ku taamayeen.

Geesta kale wefti uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa khamiistii lasoo dhaafay booqasho qaadatay muddo 4 cisho ah ku tagay Addis Ababa, halkaas oo kulamo uu kula qaatay wasiirka khaarajiga Itoobiya.

Sida ay sheegeen qaybo ka mida warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya iyo Somaliland, kulankan ayaa lagu gorfeeyey wax ay ku sheegeen kor u qaadista iskaashiga xiriirka diblomaasiyadeed iyo derisnimo ee ka dhexeeya labada dhinac.

Wargeyskan The Time Of Israel ayaa sidoo kale daaha ka rogay waxyaabihii looga hadlay kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo bishii hore magaalada Nairobi ku dhex-maray labada madaxweyne ee maamulka Somaliland Cirro iyo dowladda Kenya Ruto, kaas oo lagu gaaray ayuu yiri oggolaansho aan si rasmi ah loo shaacin oo ku saabsan furitaanka xafiis wakiilnimo oo Somaliland ku yeelato caasimadda Kenya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayay u qorshaysan tahay in bisha soo socota uu booqashooyin rasmiya ugu baxo dalalka dhaca galbeedka qaaradda Afrika, go’aankaas oo soo baxay ayuu yiri wargeysku maalin uun kadib markii safiirka Ghana uu booqday Somaliland, taasoo hordhac u ah ol’ole ballaaran oo diblumaasiyadeed oo ku waajahan galbeedka Afrika.

Leexashada Somaliland ee ku wajahan Galbeedka Afrika kama tarjumayso oo kaliya ayuu yiri wargeysku himilo juquraafiyeed, balse waxay muujinaysaa suurtagalnimada in ay ku biirto isbahaysi goboleed cusub oo is beddelaya, maadaama dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger ay si rasmi ah uga baxeen urur-goboleedka ECOWAS.

Related Items

Update cookies preferences