Warbixintan oo ciwaan looga dhigay "Go'doominta Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho" ayaa daaha ka rogtay, in jihaadiyiintu ay qaadeen istiratiijiyad halis ku ah kooxda Villa Somaliya.
Warbixintan oo Muuqaal ah laguna baahiyay kanaal Youtube ah oo ka faallooda arimaha dagaallada lagu magacaabo War-fronts, ayaa lagu sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay qarka u saarantahay inay go’doomiso magaalada Muqdisho, lagana yaabo in waqtiyada nasoo aadan ay si fudud kula wareegto caasimadda.
Warbixinta waxaa lagu yiri: " Dowladda Soomaaliya ee caankana ku ah fashilka dhinacyada badan leh, ayaa qarka u saaran iney burburto, xaalkeedana maahan mid aad loogala socdo dunida, Xarakada Jihaadiga ah ee Al-Shabaab ayaana tan iyo bilowgii sanadkan 2025-ka waxay u muuqataa mid ku guuleysaneysa dagaalka”.
Iyadoo sii socota waxay warbixintu sheegtay in bilihii lasoo dhaafay ay xoogagga Al-Shabaab qaadeen silislado weeraro abaabulan, oo ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ku xaqiijisay guulo muhiim ah, lagana yaabo in dagaalkeeda uu ka dhasho iney si fudud kula wareegto magaalada Muqdisho.
Sida warbixinta lagu sheegay, kooxda Gurguurte ayaa sanadkii 2022-ka, waxay ku dhawaaqday dulaan milliteri oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo taageero ka heleysa ciidamada shisheeye iyo dowladdaha daba-dhilifyada ah ee kala duwan iyo diyaaradohooda dagaalka, laakiin duullaankaas kuma guuleysan wayna ku fashilantay, wax welibana waxay u muuqdaan kuwa dib isku soo celiyay, sida warbixinta lagu sheegay.
"Istiraatiijiaydda dagaal ee Dowladda ayaa gebi ahaanba burburtay bishii Febraayo sanadkan 2025-ka, kadib markii Xarakada Al-Shabaab soo qaaday weerar hillaaca oo kale ah, iyadoo adeegsaneysa xeelado milliteri oo ay kamid tahay weerarada tooska ah, iyo qaraxyada gawaarida lagu soo raro” ayaa lagu yiri warbixinta uu baahiyay kanaalka War Fronts.
Mid ka mid ah weeraradii ugu saameynta badnaa ee Al-Shabaab ay fuliso waa weerarkii Aadan Yabaal ee dhacay bishii April, kaasoo ay warbixintu ku tilmaamtay inuu ahaa mid cagta lagu mariyay kumanaan askari oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, laguna jaray wadadii xiriirineysay Muqdisho iyo furimaha Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
"Hadda Muqdisho waa mid dhinac walba laga fadhiyo wadooyinka soo gala, Al-Shabaab waxay adeegsanayaan istiraatiijiyad aan degdeg ku saleysaneyn hase ahaate halis badan, iyagoo Muqdisho u joogteeyay weerarada duqeymaha ah iyo qaraxyada” ayay leedahay warbixinta cusub.
Sida ay warbixintu tilmaameyso, Xarakada Al-Shabaab waxay si xeelad iyo feejignaan leh u fulineysaa istiraajiyadeeda, hada waxay billowday iney beegsato xarumaha ciidamada lagu diiwaan geliyo, duqeymaha waxay ku beegsanayaan xarumaha Muhiimka ah ee Muqdisho, kolonyadii madaxweynaha ayaa weerar lala beegsaday.
Dhinaca Maleeshiyaadka kooxda Gurguurte ayay warbixintu tilmaameysaa iney gebi ahaanba burbureen, isla markaana uu ka dhex-jiro musuqmaasuq baahsani, maal-gelin rasmiyana aan haysan, waxayna ku tilmaamtay warbixintu inaaney xitaa awoodin iney dib ugu laabtaan goobihii lagala wareegay ee muhiimka ahaa.
"Go’doominta Muqdisho waxay sababtay burbur wadareed ah oo xaga nafsiga ah oo gaaray ciidanka, sababo ku aadan ciidamada iyo masuuliyiinta oo kasoo firxaday furimaha, waxay Dowladda mareysaa halkii ugu hooseysay niyad-jabka intii ay jirtay, ciidanka badankoodna waxay dagaalka ka door bidayaan iney dalka dibadiisa u baxsadaan oo ay tahriibaan ayay leedahay warbixinta uu baahiyay kanaalka War Fronts.
Dhinaca dowladaha shisheeye ee qeybta ka ah duullaankan lagu soo qaaday Soomaaliya, waxay warbixintu tilmaameysaa iney u jeedaan xaaladda iney ku socoto si aan u wanaagsaneyn kooxda Villa Somaliya, laakiin waxay ka badin la’yihiin inta ay xilligan qabteen oo ay ka mid tahay duqeymaha, inkastoo dowlad weliba is dib dhigeyso, hadana majirto cid ku faraxsan wixii Kaabul ka dhacay in mar kale la arko” ayay leedahay warbixintu.
Marka laga hadlayo saadaasha la filayo waxaa ka mid ah sida ay warbixintu tilmaameyso, iney guuleysato istiraatiijiyadda Al-Shabaab ee la xiriirta in Muqdisho gudaha laga furfuro, taasina ay keeneyso in si fudud oo dhibyar ay Al-Shabaab u galaan albaabada Muqdisho.
Warbixintan lagu baahiyay kanaalka War Fronts ee ka faallooda arimaha dagaallada iyo dalalka ay colaaduhu ka jiraan oo ku baxeysay luqada Inglishka ayaa ku biireysa, warbixinno kala duwan oo waayadii lasoo dhaafay baahinayeen warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa gobolka, kuwaasoo dhamaantooda isku raacay suurtogalnimada in mardhow la arko iyadoo Muqdisho ay ka talineyso Xarakada Al-Shabaab.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: