Iiraan oo caaawa gantaallo ku garaacday saldhigga Maraykanka ee dalka Qadar.

Monday June 23, 2025 - 21:39:46
Liibaan Jeexoow
Iiraan ayaa caawa weerar gantaalo ah ku qaadday Saldhigga Mareykanku ku leeyahay Qadar ee Alcudayd.
Weerarkan waxa Iiraan ugu magac dartey "Bashaa’irul Fatxi” waxa aanay kaga jawaabayeen sida ay sheegeen beegsigii Mareykanka ee gudaha Iiraan.

Dalka Qadar ayaa warmurtiyeed uu soo saarey ku sheegay in nudaamyadiisa difaaca cirku ay ka hortageen gantaalaha Iiraan.

Waxa kale oo Qadar ku hanjabtey in ay ka jawaabi doonto weerarkaas uga yimi Iiraan.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo dhanooda warsaxaafadeed soo saarey waxa ay ka dhawaajiyeen in ay beegsadeen Saldhigga Alcudayd ee Qadar uu ku leeyahay Mareykanku.

Telefishanka Iiraan waxa uu isna sheegay in howlgallada Iiraan sidoo kale ka dhaceen saldhigyo Mareykanku ku leeyahay Ciraaq.

Barta Axios oo ah warbaahin Reergalbeed ayaa lagu baahiyey in gantaalaha Iiraan ku gantay Saldhigga Mareykanka ee Qadar ay ahaayeen 6 saaruukh.

Golaha Amniga Qaranka Iiraan ayaa soo saaray in weerraradoodu aanay ku jihaysnayn dowladda saaxiibka iyo walaalka ah ee Qadar waa sida ay hadalka u dhigeen.

Wixii soo kordha nala socda insha Allaah...

Related Items

Update cookies preferences