Dhammaan talisyada ciidamada Mareykanka ee dalalka mandiqadda Bariga dhexe ayaa lasiiyay amar ah in ay galaan xaalad feejignaan ah middii ugu sarraysay iyadoona muwaadiniinta reergalbeedka ay isaga firxanayaan dalalka Khaliijka.
Wararka ka imaanaya mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe ayaa sheegaya in xiisadaha colaadeed ee ka dhashay duullaanka lagu qaaday dalka Iiraan ay sare ukaceen heer ay gaareen in hubanti la'aan ay gasho sii furnaanishiyaha Marin biyoodka Hormuz.
Mas'uuliyiin katirsan dowladda Mareykanka ayaa usheegay wakaaladaha wararka in uu soo dhowaaday waqtigii ay Iiraan qaadi laheyd weerar aargoosi ah oo ka dhan ah dhammaan masaalixda Mareykanka ee dalalka Bariga dhexe.
Dhammaan muwaadiniinta American-ka ah ayaa lagu amray in ay ku sugnaadaan guryahooda iyo hotellada ay deganyihiin ayna ka fogaadaan isku imaatinnada iyo suuqyada laga tukaamaysto.
Mareykanka ayaa si gaar ah ugu digay dadkiisa ku sugan dalka yar ee Qadar oo uu sheegay in ay halis weyn lakulmi karaan, sidoo kale saraakiisha ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalka gacanka,Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu wargeliyay in ay xaalad feejignaan ah geliyaan askarta sababa laxiriira jawaab celinta Iiraan ee lafilayo.
Dhinaca kale Jeneraal Cabdiraxiin Almuusawi oo ah taliyaha guud ee ciidamada Iiraan ayaa kalimad uu jeediyay ku sheegay in ay sameyn doonaan aargudasho weyn oo laga yaabo uu ay sababo burburka kiyaanka Sahyuuniga ah.
Wuxuu ku goodiyay in jawaabta ay ka bixin doonaan weeraradii Mareykanku ku qaaday warshadaha Niyugleerka Iiraan ay noqon doonto mid xanuunjisa wax uu ugu yeeray Kiyaanka baadida ah oo uu ula jeedo Yahuudda Sahyuuniyadda.
Tan iyo markii uu Mareykanku ku biiray dagaalka udhaxeeya Sahaayinada iyo Iiraan ayey sii xoogeysanayeen xiisadaha ka aloosan bariga dhexe, illaa iyo hadda lama oga qaabka ay noqon doonto jawaab celinta ka imaanaysa dowladda Shiicada Iiraan.