Trump oo Iiraan ugu hanjabay in ay isdhiibto bilaa shuruud.

Wednesday June 18, 2025 - 11:55:36
Liibaan Jeexoow
Sida ay ku xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka, Trump ayaa shaley kulan la yeeshay Guddida Aminiga ee dalkiisa.
Trump ayaa la sheegay in uu si cad u sheegay in ay qorshaynayaan weerarka Iiraan. Horjoogayaasha Yuhuudda iyo Mareykanka ayaa hore uga wada hadlay xaaladda sii kordhaysa ee Iiraan.

Shirka ka hor Trump waxa uu xusay in ay hayaan xogta meesha uu ku sugan yahay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Khameni.

Beegsashadiisa ayuu sheegay sida oo kale in ay fududdahay balse aanay weli taa u baahnayn. Trump waxa uu Iiraan u soo jeediyay in ay isdhiibaan si shuruud la’aan ah.

"Waxaan ognahay halka uu ku sugan yahay Khameni, beegsashadiisu way fududdahay laakiin hadda maaha” ayuu yiri Trump.

Waxa uu maalinnimadii shaley ee Talaadada Trump ka dhawaajiyey in uu doonayo soo gaba-gabaynta muranka Iiraan iyo Sahaayinada.

Mareykanka ayaan haddaba ka gacan marnayn duqaymaha Iiraan iyadoo Channel 12 oo Yuhuuddu leedahay uu wariyey in nidaamka sare ee difaaca gantaalaha kaas oo uu Mareykanku leeyahay in ay ka howlgalayaan gudaha Yuhuudda.

Ugu dambay warbaahinta Reergalbeedka ugu caansan sida Axios ayaa werinaysa in saraakiil Yuhuud iyo Mareykan ahi xaqiijiyeen in Trump uu ka fekerayo in uu si dhab ah uga qayb qaato dagaalka isla markaana duqeeyo goobaha Nuckear-ka Iiraan.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences