Cirro oo ugu dambayn la kulmay William Ruto iyo Moses Wetangula.

Saturday May 31, 2025 - 09:10:54
Liibaan Jeexoow
Cabdiraxmaan-Cirro oo hoggaamiya maamulka Somaliland isla markaana maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya, Ruto.
Ka dib cadaadis badan oo la saaray dhanka Kenya waxa ugu dambayn hirgaley kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo midka Kenya taas oo muran weyn dhalisay.

Dhanka kale waxa uu ka gadaal Cirro la kulmay Guddoomiya Golaha Shacabka Kenya Moses Wetangula.

Kulanka Cirro iyo madaxdan ayaa la ilo hoose sheegayaan in ay ka shaqeeyeen qaar kamida waddamada safiirrada waddamada Reergalbeedka iyo madax ka tirsan Axsaabta Kenya sida Raila Odinga oo Raysal Wasaare ka soo noqday Kenya.

Dhanka kale waxa Wasaaradda Dibedda ee Kenya soo saartey liiska safaaradaha ee Ka furan Kenya halkaas oo lagu xusay magaca "Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland” isla markaana la siiyey furihii Soomaaliya 252.

Dowladda Federaalka ayaa iyadana gaar loo dhigey iyada oo la siiyey furaha Kenya ee 254.

Madaxda Somaliland waxa ay sheegeen in ay ka wada hadleen Ruto iyo Wetangula arrimo la xidhiidha ganacsiga, amniga iyo waxa loogu yeero dimuquraadiyadda.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences