Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo safar ku jooga Caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa shaley kulan la yeeshay qaar kamida safiirrada iyo safiirro xigeennada Reergalbeedka, 'Baanka Adduunka' iyo xubno kale kuwaas oo uu warbixin u jeediyay.
Cirro ayaa sheegay in ay Ciidanka Somaliland ku dareen in ka badan 6000 oo malleeshiyo beeleedyo ah iyo ilaa dhowr boqol oo gawaari tikniko iyo kuwo caadi ah, taasna aanay cidina ka caawin balse ay iyagu hawshaas keligood qabsadeen.
Dhanka kale waxa uu tibaaxay in aanay Nairobi u iman tuugsi balse ay u joogaan in ay iskaashi labageesoodle ah la yeeshaan dalalka caalamka.
Hadallada Cirro ayaa ku soo beegmaya xilli Kenya u oggolaatey xafiis siyaasadeed Somaliland isla markaasna waftiga SL uu la kulmay madaxda ugu sarraysa dalkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadlin safarka siyaasadeed ee Cirro laakiin Isbahaysiga Mucaaridka Soomaaliya ayaa ku baaqey in dib loo soo celiyo wadahadalladii Somaliland iyo Somalia.
Somaliland ayaa hakisay wadahadalladii ay kula jirtay Somalia ka dib markii uu RW Somalia Xamse Cabdi Barre yimid magaalada Laascaanood oo Somaliland sheegato.