Wararka ka imanaya gobolka Mandheera ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa sheegaya khasaare culus oo ciidamada Kenya kasoo gaaray gaari Kooyal ah oo la rogmaday.
Gaarigan ayay wararku sheegayaan in uu ku qallibmay inta u dhaxaysa deggaannada War-guduude iyo Hareeri Suuki oo hoos-taga degmada Ceel-qaalow.
Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in shilkan ay ku naf-waayeen ugu yaraan 3 askari oo Kenyaan ah, 6 kalena ay dhaawacmeen, halka baabuurkana uu burbur xooggani soo gaaray.
Gobolka Hiiraan, waxaa habeennimadii xalay ka dhacay qarax ay dagaalyahannada Al-Shabaab la beegsadeen xero ay maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin gudaha degmada Buulaburde.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in uu jiro khasaare qaraxaasi ka dhashay oo soo gaaray maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Gobolka Baay, waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay hawl-gal qarax ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ku mireen maleeshiyaadka daacadda u ah C/Casiis Laftagareen.
Maleeshiyaadkan oo lagu weeraray gudaha magaalada Baydhabo, ayay wararku sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala guud ahaan gayiga Soomaaliyeed ayaa jiif iyo joogba u diidday maleeshiyaadka daba-dhilifyada ah iyo ciidamada shisheeye ee kusoo duullay dalka.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: