Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Somaliland Cirro ayaa booqasho ku tagey Xarunta Shirkadda Jabbuuti Telekom taas oo qaybta internet-ka u qaabilsan dalkaas.
Wasiirka Warfaafinta Jabbuuti Ridwaan Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Shirkadda Djibouti Telecom ayaa ku soo dhaweeyay xarunta shirkadda.
Shirkaddani waxay kamid tahay shirkadaha waaweyn ee xarkaha internet-ka ee badda hoos mara leh.
Cirro ayaa shaley ka degay Magaalada Jabbuuti ee halkaas oo uu kula kulmay RW dalkaas Abdilkadir Kamil iyo Madaxweynaha Ismaaciil Cumar.
Waa safarkii waddankii labaad ee Cirro tago tan iyo intii uu hoggaanka y qabtey maamulka Somaliland.
Khudbad sannadeed uu ‘Golaha Wakiillada SL’ ka hor jeediyay Cirro ayuu hore ugu xusay in uu safar ku tegi doono dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: