Dabley saaka weerartay xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacayo.

Thursday May 29, 2025 - 14:11:36
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in saaka weerar xooggan lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaaladaasi.
Kooxo hubaysan ayaa lasoo warinayaa in ay weerareen xabsiga, waxaana in mudo ah dagaal too ah uu dhaxmarayay Kooxda weerarka soo qaatay ilaalada xabsiga.

Kooxahaan hubaysan ayaa la sheegayaa in ujeedkoodu ahaa in ay xoog ay kusoo furtaan maxaabiis halkaasi kaga xiran taas oo sababtay in dagaal xoogan uu qarxo.

Inkasta oo aan weli laga haynin faahfaahino dheeraad ah hadana ma cada in kooxda weerarka soo qaaday ay la baxday maxaabiistii ay doonayeen in ay soo furtaan.

Dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ayaa mudooyinkii u dnabeeyay si aad ah ugu soo laalaabtay magaalada Gaalkacyo iyadoo maleeshiyaat kala duwan ay tira dhowr jeer ah isku dayeen in ay maxaabiix la baxaan.

Afar bil ka hor ayaa sidaan oo kale loo weeraray isla xasbigaan, waxaana iska hor'imaadkaasi uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences