Cirro oo goor dhaweyd u kicitimey Kenya.

Monday May 26, 2025 - 15:39:29
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka goonni-goosiga ah ee Somaliland ayaa maanta ka dhoofay Madaarka Hargeysa isaga oo u sii jeeda dhinaca dalka Kenya.
Safarkan oo ay ku wehelinayeen xubno ka tirsan xukuumaddiisa ayaa ku jihaysnaa Caasimadda Nairobi ee Kenya.

Warbaahinta maxalliga ah ee maamulka Somaliland ayaa sheegtay in Cirro uu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo xubno ka tirsan kuwa loogu yeero Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in uu furi doono ‘safaarad’ ay Somaliland ku yeelan doonto Nairobi.
Cirro ayaa kani noqonayaa safarkii 4aad iyo dalkii saddexaad ee uu u amba baxo.

Labo jeer waxa uu safar ku tagay dalka Isutagga Immaaraadka Carabta halka toddobaadkii ina dhaafey uu booqasho ku tagey Jabbuuti maantana waxa uu u dhoofay Kenya.

Dalalka UAE iyo Jabbuuti ayaa ku soo dhaweeyay maqaam lamid ah kan dowladaha caadiga ah Cirro iyaga oo warbaahintooda u adeegsadey magaca Jamhuuriyadda Somaliland walow markii dambe Jabbuuti ka noqotey.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences