Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixinaya dagaal culus oo habeen hore dagaalyahannada Al-Shabaab ku beegsadeen maleeshiyaadka Gurguurte.
Maleeshiyaadkan ayaa lagu weeraray bar-kantarool oo ay dhigteen xaafadda sifaynta Batroolka ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii la weeraray, 7 kalena lagu dhaawacay.
Gobolka Baay, waxaa maalinnimadii shalay ka dhacay qarax ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ku weerareen maleeshiyaadka maamulka la baxay Koonfur Galbeed.
Qaraxan oo si gaar ah loogu beegsaday Isbaaro ay maleeshiyaadka Laftagareen dhigteen gudaha Baydhabo, ayaa geystay khasaare kale duwan oo weli faahfaahintiisa aanaan helin.
Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab waxay habeennimadii xalay dagaal culus ku mireen xerada askarta Xabashida Itoobiya ee deggaanka Awdiinle oo hoos-taga Baydhabo.