In ka badan 30 Dirawal oo lagu afduubtay gudaha Itoobiya.

Saturday May 31, 2025 - 10:17:35
Liibaan Jeexoow
Xaaladda amni ee dalka Itoobiya ayaa faraha kasii baxaysa, xilli ay sii xoogaysanayaan dagaallada aan dhammaadka lahayn ee u dhaxeeya maleeshiyaadka mucaaradka ee hubaysan iyo ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya.
In ka badan 30 dirawal ayaa lagu soo warramayaa in lagu afduubtay gudaha Itoobiya, labadii usbuuc ee u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen ururka dirawallada baabuurta waaweyn ee gudaha dalkaasi isaga kala gooshta oo lagu magacaabo "Tana”.

Ururku ayaa ka dhawaajiyey in afduubyadan sii kordhayaa ay la xiriiraan amni-darrada isa soo taraysa iyo la xisaabtan la’aanta kooxaha hubaysan, xilli uu socdo dagaal qaraar oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Fano iyo ciidanka dawladda.

Xubin sare oo ka tirsan ururka oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay Wargeyska Addis Standard in afduubyadan oo soo bilowday 2017-kii, ay si weyn u soo kordheen muddooyinkan dambe, iskuna bedeleen ganacsi, kadib la waayay cid xakamaysa.

Waxa uu ninkani carabka ku dhuftay in 15-kii maalmood ee lasoo dhaafay dad aan la garanayn haybtooda ay afduubteen inta u dhaxaysa 30 ilaa 40 dirawal. Isagoo intaa raaciyey in waddooyinka qaar ay noqdeen marin halis ah, halka qaarkoodna muddo ku dhow laba bilood ay xayiran yihiin.

Mas’uulkani waxa uu ka sanqariyey in afduubayaashu ay had iyo jeer dalbadaan madax-furasho u dhaxaysa 50,000 (Konton Kun) oo Birr oo ah lacagta Itoobiya ilaa 1 Milyan oo Birr una dhiganta ku dhawaad $400 (Afar Boqol) oo Dollar ilaa 7,000 (Todoba Kun) oo Dollar.

Solomon Zewdu oo ah Agaasimaha Guud ee Ururka Darawallada Baabuurta Waaweyn ee Itoobiya, ayaa u sheegay Addis Standard in amniga darawalladu uu roon yahay marka la eego deggaannada Canfarta, Somalida, iyo qeybo ka mida deggaannada Oromada. Balse xaaladda gobolka Amxaarada ay si weyn u sii xumaatay labadii sano ee la soo dhaafay.

Waxa kale oo Solomon uu xusay in bartilmaameedku aanu ku ekayn oo kaliya baabuurta xamuulka qaad, balse maleeshiyaadka wax afduubtaa ay mararka qaarna weeraraan gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo xattaa Basaska rakaabka.

Gobolka Amxaarada ayaa marba marka ka damaysa wajahaya dhibaatooyin is-barkan oo baaxad leh, kuwaas oo soo bilawday August 2023, xilligaas oo ahayd markii dagaalka hadda socdaa uu si rasmiya u qarxay, kaas oo gobolkaasi ka dhigay boqcadda ugu weyn ee haatan ay ka holcayaan iskahorimaadyada hubeysan ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ee Fano.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences