War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Villa Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay xil-ka-qaadis lagu sameeyay taliyiha waxa loogu yeero hey'adda sirdoonka iyo nabad sugida ee (NISA), Cabdullaahi Sambaloolshe.
Sida lagu sheegay bayaanka Sambaloolshe ayaa xilka laga qaaday kadib markii lagu eedeeyay hoggaan-xumo iyo fashil ku yimid hawlgalladii milatari ee ka socday gobollada dalka.
Xilka taliyaha NISA waxaa dib loogu magacaabay Mahad Maxamed Salaad, oo horey uga soo shaqeeyay hay’adda isla markaana mar horena soo noqday taliyaha sirdoonka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in magacaabistan ay daba socoto cadaadis xooggan oo uga yimid gudaha dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera la-dagaallanka jihaadiyiinta.
Cabdullaahi Sambaloolshe ayaa si gaar ah loogu eedeeyay guul-darrooyin dhowr ah oo soo wajahay howlgaladii ay wadeen maleeshiyaadkii loo yaqaanay "Macawiisleyda” ee uu si dhow u taageerayay.
Maleeshiyaadkan oo Gurguurte abaabulay ayaa la dagaallamay Al-Shabaab, waxay se la kulmeen dhabar-jab xooggan kadib markii jihaadiyiintu ay qaadeen hawl-gal ballaaran oo ay kula wareegeen dhul aad u fara badan.
Isbeddelkan ayaa imaanaya xilli kooxda uu fadhigeedu yahay Muqdisho ay wajahayaan cadaadis gudaha ah iyo weerarro joogto ah oo uga imaanaya Al-Shabaab.
Dib u magacaabista Mahad Salaad ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in dib loogu dhiso kalsoonida hey’adda NISA iyo in la dardargeliyo la-dagaallanka jihaadiyiinta Al-Shabaab.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: