Waxa loogu yeero Africa Center for Strategic Studies loona soo gaabiyo (ACSS) oo ah xarun cilmi-baariseed oo hoos-tagta wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa daraasad ay soo saartay ku shaacisay in aan la loodin karin awoodda jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Machadkan oo si gaar ah diiradda u saara fahamka iyo iskaashiga arrimaha amniga ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab oo ujeedkeedu yahay sidii ay u dhisi lahayd dowlad Islaamiya ay laf dhuun gashay ku noqotay isbahaysiga kusoo duullay Soomaaliya.
Waxa ay daraasaddu daboolka ka qaadday in awoodda dagaalyahannada Al-Shabaab ay korortay, dhul ballaaranna gacanta ku hayaan, iskuna fidiyeen ilaa waqooyiga Kenya, hawl-galladoodana xoojiyeen, isla markaana ay heleen qalab millateri oo casriya.
Daraasaddu waxa kale oo ay ka dhawajisay in jihaadiyiintu ay heleen fursad ay ku ballaariyaan hawl-galladooda ka dhanka ah daba-dhilifyada ah iyo shisheeyahay isu soo bahaystay la-dagaallanka shareecada Islaamka.
Xarunta ASCC waxay hoosta ka xariiqday in awoodda sii kordhaysa ee Al-Shabaab ay halis ku tahay danaha reer-galbeedka oo boob xooggan iyo xaalufin ba’an ku haya khayraadka ceegaaga Badda iyo Berriga Soomaaliyeed.
Warbixintu waxay qirtay in xoogagga Al-Shabaab ay soo bandhigeen sannadkan lagu gudo jiro ee 2025 awood aad u xooggan, kadib markii ay fuliyeen ayay tiri daraasaddu weerarro ba’an oo ay kula wareegeen dhul fara badan oo horey ay gacanta ku haysay kooxda Villa Soomaliya.
Kooxdan oo gar-wadeen uu ka yahay Xasan Gurguurte ayay warbixintu xustay in ku dhawaad 4,500 oo askari laga dilay hal sano gudihiis oo ahayd 2024-ka, mar ay isku dayeen iyagoo kaashanaya ciidamada shisheeye inay weerarro ku qaadaan jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Inkasta oo la sameeyey dedaallo wadajir ah, ayay daraasaddu tiri, hadana dagaalyahannada Al-Shabaab waxay muujiyeen adkaysi iyo karti ay kaga hor-tageen hir-gelinta danaha isbahaysiga duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Daraasaddan uu sameeyey machadka Africa Center for Strategic Studies ayaa qaybaheeda dambe lagu iftiimiyey sida ay shisheeyahu quusta iyo rajo-beelka uga muujiyeen duullaanka ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya, iyadoo gunaanadka warbixintan lagu yiri "Maadaama Al-Shabaab ay si buuxda uga dhex dhisan tahay dhulka ay ka dhasheen ee Soomaaliya, isla markaana awooddooda ciidan ay sii xoogaysanayso, waxa adag in la iska caabbiyo weerarradooda.”
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGTAM: https://t.me/+7Lv0RUFsengwYmI8