Mustafe-Cagjar oo dafiray shacabkii maleeshiyadiisu ku xasuuqeen Dacawaley.

Wednesday May 28, 2025 - 18:37:28
Liibaan Jeexoow
Madaxa maamulka dowlada xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa waraysi uu bixiyay ku dafiray xasuuqii maleeshiyadiisu sannadkii hore ka gaysteen deegaanka Dacawaley ee gobolka Faafan.
Cagjar ayaa waraysigan si cad ugu dafiray xasuuqa daran ee ay maleeshiyaadkiisu u gaysteen dad rayidka ah ee degganaa deegaanka Dacawaley oo ay ka mid ahaayeen haween iyo caruur aan waxba galabsan, wuxuuna dadkaasi ku tilmaamay dabley ay ciidankiisu la dagaallameen.

"Hal qof oo shacab ah kuma dhiman, halkaas waxaa ku dhintay dablay hubaysan oo da’doodu ahayd da’dii dagaalka, Geeljiraha deegaanka jooga haddii uu qoryo urursado oo uu ciidamada la dagaallamo, shacab ma aha," ayuu yiri Cagjar.

Xasuuqa uu dafiray Cagjar ayaa dabayaaqada bishii December ee sannadkii 2024-kii ka dhacay degaanka Dacawaley ee hoostaga degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee dhulka Soomaali-galbeed, halkaas oo ay ku dagaallameen dad shacab ah iyo maleeshiyo ka tirsan Liyuu booliska.

Dagaalka u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyada Liyuu Booliska ayaa qaatay maalmo xiriir ah, maalmihii ugu horreeyay waxaa jab la gaarsiiyay oo saraakiil ciidan iyo askar badan laga dilay maleeshiyaadka Liyu Booliska, balse maleeshiyaadka Cagjar oo dib isu soo abaabulay ayaa xasuuq u gaystay dadkii shcabka ahaa ee deegaankaasi ku sugnaa, waxaana dadkii rayidka ee la laayay si jimaaci ah loogu aasay Baligubadle oo ah magaalo uu ka arrimiyo maamulka la baxay Somaliland.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences