Waxaa isbitaal kuyaal magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Jeneraal Max'med Siciid Xirsi Moorgan oo kamid ahaa dagaal oogayaashii Soomaaliya.
Sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa Jeneraal Moorgan ayaa udhintay cudur uu bilihii lasoo dhaafay la xananuunsanayay, ninkan oo kasoo mid noqday saraakiishii ugu sarraysay ciidamada dowladdii Siyaad Barre ayaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa dagaal ooge qeyb ka ahaa dagaalladii sokeeye,sidoo kale wuxuu ahaa wasiirkii ugu dambeeyay ee G/dhigga dowladdii dhexe.
Dagaal oogahan hore ee hadda dhintay ayaa hadda ahaay lataliyaha dhanka amniga ee Saciid Deni madaxweynaha maamulka isku magacaabay Puntland kaasi oo ka arrimiyo gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.
Moorgan oo dhintay isagoo 76 sana jir ah ayaa sanaddii 1949-kii ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari, markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayuu kamid noqday dagaal oogayaashii ugu tunka weynaa dalka.
Waxa lagu xasuustaa Moorgan, dagaallo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Kismaayo xilligaas oo uu kamid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii ku loollamayay talada dalka, sidoo kale wuxuu hoggaaminayay dagaallo Ashahaadda ladirirnimo oo ka dhacay deegaanno katirsan dalka Soomaaliya.
Inta badan dagaal oogayaashii hore ee xasuuqa ugeystay shacabka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya dowlado shisheeye ayaa halaagsamay iyagoo dullaysan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGTAM: https://t.me/+56QyaUDi6sM5NWQ0
TELEGRAM: https://t.me/+uHsSss5HqIc5YmRk