Bannaan-bax ka dhacay Magaalada Burco.

Thursday May 15, 2025 - 12:09:27
Liibaan Jeexoow
Wararka aan ka helayno Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in mudaharaad rabshado wataa uu ka dhacay magaaladaas.
Bannaanbaxan oo sida wararku sheegayaan lagu burburiyey gawaarida maamulka Somaliland ayaa looga soo horjeedaa maxaabiis la sheegay in Xukuumadda Cirro ay sii daynayso.

Dadka bannaanbaxayey ayaa la sheegay in ay ka caroodeen in isaga oo Faysal Bootaan xiran yahay in xukuumaddu sii dayso saraakiil kale.

Wali lama sheegin wax khasaare nafeed ah laakiin waxa la burburiyey gawaari maamulka Somaliland leeyahay.

Somaliland ayaa dhawaan sii daysay 11 maxbuus oo laga dejiyey maamulka Puntland kuwaas oo ay ku beddelatey 15 maxbuus oo kale.

Sii daynta maxaabiista dhinacyadu kala hayaan ayaa aad looga hadal hayaa deegaannadaas.

Maxaabiista waxa lagu qabtey colaadihii bilaabmay horraantii sannadkii 2023 kuwaas oo ilaa hadda aan xal rasmi ah laga gaarin.

Somaliland oo ka talin jirtey Sool ayaa laga soo saarey waxaana laga sameeyay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan:

Related Items

Update cookies preferences