Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Shabeellaha dhexe ayaa maanta hawl-gal qorshaysan ku beegsaday maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Weerarkan ayaa lagu beegsaday saldhigga maleeshiyaadka Gurguurte ay ku leeyihiin deggaanka Caddaal-laxeey ee hoos-taga degmada Ruun-nirgood.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, 8 kalena lagu dhaawacay.
Hawl-galkan ayaa kusoo aadaya xilli jihaadiyiinta Al-Shabaab ay kordhiyeen dagaallada ka dhanka ah shisheeyaha dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyadooda.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan: