Wareegto oo uu soo saaray Xasan Gurguurte madaxa kooxda Villa Soomaaliya ayuu ku ceyriyay guddoomiyihii kooxdan ugu magacaawnaa gobolka Banaadir isagoo magacaabay guddoomiye cusub.
Xasan Gurguurte ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho u magacaabay Xasan Muugaab oo xilka soo qabtay muddo 10 sano ka hor ah.
Maxamed Amiir oo muddo 6 bilood ah hayay xilkan ayaa la ceyriyay waxaana maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu faafinayay warar sheegayay in Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu khilaaf soo kala dhex-galay.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in roobabkii dhowaan Muqdisho ka da’ay ee sababay dhimashada in ka badan 12 ruux ay sabab u ahaayeen ceyrinta Maxamed Amiir kadib markii roobabkaas ay banaanka soo dhigeen heerka uu gaarsiisan yahay musuqmaasuqa uu ku kacay maamulkii Amiir waxaana si fudud ku burburay waddooyin lacago malaayiin Dollaar ah lagu qaatay.
Xasan Gurguurte oo doonaya in uu fadeexaddaas dhinac isaga leexiyo ayaa ku kaarta-baxay ceyrinta guddoomiyihii hore.
Muungaab ninkan hadda la magacaabay ayaa lagu xasuustaa dhul-boob iyo lacago baad ah oo uu kusoo rogay ganacsatada Muqdisho muddu xileedkii hore ee Xasan Gurguurte, mar walba oo madaxda kooxda Villa Somaliya uu waqtigoodu gabagaba yahay ayay caan ku yihiin xilka-qaadis iyo magacaabis tira-beel ah.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: