Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saaka weerar madaafiic ah ku qaaday xerada maleeshiyaadka Gurguurte ee Hiil-weyne oo ku taalla duleedka caasimadda Muqdisho.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray maleeshiyaadka la weeraray ee ku sugnaa xeradaasi.
Geesta kale waxaa sare u kacay oo sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya kasoo gaaray dagaallo culus oo maalinimadii shalay ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Sida aanu xogta ku helnay ugu yaraan 42 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu dilay dagaalladii shalay, halka 76 kalena lagu dhaawacay.
Waxa kale oo aanu helnay qaar ka mida magacyada saraakiishii iyo askartii lagu feentay dagaalladaasi shalay waxaana ka mida, sarkaal la odhan jiray Cusmaan Muumin Axmed [Cusmaan Dheere] oo sawirkiisuna hoos ka muuqdo, Ibraahim Xuseen Candhoob oo isna ahaa sarkaal ciidan.
Sidoo kale askarta shalay dhegta dhiigga loo daray waxaa ku jiray askari magaciisa lagu sheegay Cabdi Cabdulle Maxamuud [Cabdi Raafeey] iyo Sarkaal kale oo isna lagu magacaabi jiray Xasan Cabdullaahi Siyaad (Xasan Mataan) iyo Muumin Biyow.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
