Ciidanka Turkiga ee yimid Muqdisho oo la shaaciyey in aanay qorshaha ugu jirin la dagaallanka Al-Shabaab.

Sunday April 27, 2025 - 14:44:43
Liibaan Jeexoow
Ciidan Turkish ah oo tiradooda lagu sheegay 500 oo askari ayaa maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, sida ay faafisay warbaahinta Villa Somaliya oo wararkeeda aan lagu kalsoonaan karin.
Sida qaybo ka mida warbaahinta caalamku ay baahisay ciidankan ayaa loogu talo-galay ilaalinta hantidii ay ka dhaceen ummadda Soomaaliyeed, iyo sidoo kale saldhigga Millateriga ee Turksom iyo dekedda Muqdisho oo ay dhaqaalle xooggan ka urursadaan.

Ilo xog’ogaal ah oo ay soo xigatay Warbaahinta Middle East Monitor ayaa sheegaya in Ankara aanay hadda qorshaha ugu jirin in dagaal toos ah oo dhulka ah ay ku qaaddo dagaalyahannada Al-Shabaab, balse ciidamadeedu ay is difaaci karaan haddii lasoo weeraro.

"Ciidamada Turkiga waxay u joogaan oo kaliya inay ilaaliyaan hantida Turkiga iyo inay tababaraan oo ay la taliyaan ciidamada Soomaaliya", ayaa lagu yiri warbixinta ay baahisay Middle East Monitor oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

Sidoo kale warbixinta oo sii faahfaahinaysa waxa uga meel yaal haddii jihaadiyiinta ay kala kulmaan weerarro culus ayaa tiri "Waxay kaliya la dagaalami doonaan Al-Shabaab, haddii ay lagama maarmaan noqoto oo ay is difaacaan."

Ciidamadan Turkishka ah ayaa imaanshiyahoodu uu kusoo aadayaa xilli cabsi xooggani ay soo food-saartay kooxda Villa Somaliya iyo shisheeyaha, lana filayo in goor dhow ay dagaalyahannada Al-Shabaab la wareegi doonaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences