Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya duqaymo aad u xooggan oo maalmo ka hor ka dhacay bariga mandiqadda Gojjam ee ismaamulka Axmaarada ee dalka Itoobiya, aaggaas oo ka mid ah goobaha ay isku hayaan ciidamada uu ra'iisul wasaaraha u yahay Abiy Axmed iyo maleeshiyada Fano.
Duqaymahan oo dhacay khamiistii ina dhaaftay ayaa beegsaday goobo ay ku badanyihiin dadka rayidka, ilo wareedyo dhanka deegaanka ayaa soo wariyay in duqaymuhu ahaayeen kuwa ay gaysteen diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ee xukuumadda Addis-ababa.
Weeraradan oo lagu dilay inka badan 120 qof oo Axmaaro ah ayay ciidamada Itoobiya si gaar ah uga fuliyeen deegaanka Gedebe ee ka tirsan degmo Enarj Enawga ee bariga mandiqadda Gojjam.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka beegsaday ay ka mid ahaayeen rayid ku hawlanaa nolol maalmeedkooda, gaar ahaanna ku sugnaa suuqyada dadweyne, waxay sidoo kale Drone-tu beegsatay dad dhisayay guri dhoobo ka samaysan, sida laga soo xigray ilo wareedyo maxalli ah.
Ilo wareedyadu waxay soo sheegeen in weerarada ay gaysteen ciidamada uu hoggaanka u hayo Abiy Axmed uu ka koobnaa saddex weerar oo drone loo adeegsaday, kuwaas oo weeraray goobo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Gedebe.
Marshet Tsehayu, waa afhayeenka jabhadda mucaaradka hubeysan ee Fano ee ku sugan mandiqadda Gojjam, wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa midkii ugu xumaa ee drone loo adeegsado, wuxuuna u sabababeeyay khasaaraha weyn ee dhimasho iyo dhaawaca leh ee ka dhashay weerarada.
Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in dadka lagu dilay duqaymahaasi oo kor u dhaafaya 120 xubnood oo Axmaaro ay ku jiraan dumar iyo waayeello.
Warbaahinta maxalliga ah waxay sidoo kale sheegtay in weerarkaasi uu ka horreeyay mid kale oo lagu dilay 20 qof oo rayid ah, weerarkan ayaana si gaar ah kaga dhacay deegaan kale oo Gojjam ka tirsan, ciidanka xabashida ee dowladda ayaa la sheegay inay si bareer ah u beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Tirada guud dadka rayidka ee ku dhintay labada weerar ee dhacay maalmaha is xig-xigay ayaa la sheegay inay gaarayso 150 xubnood, halka tiro kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada dalka kusoo biir:
TELEGRAM
FACEBOOK