Coldoon oo lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah.

Wednesday May 07, 2025 - 11:54:38
Liibaan Jeexoow
Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta maamulka Somaliland uu ku xukumay xarig muddo 6 bilood ah iyo 3milyan oo lacagta Somaliland ah taas oo u dhiganta $300 sida uu sheegay Cabdiraxmaan Muuse Coldoon oo ay Cabdimaalik walaalo yihiin.
Samafale Coldoon ayaa bil kahor ay qabteen askarta Somaliland laakiin sida ilo ku dhowi sheegeen Cabdimaalik wax qareen ah ma qabsan intii maxkamadayntiisu socotay, isagaana iska difaacayey eedaha loo haystey.

Ugu dambayn maanta ayaa lagu dhawaaqey xukunkiisa oo ah 6bilood iyo lacag dhan 3milyan oo shilling.

Saxafigan la xirey ayaa ehelkiisu sheegeen in xariga loo iibin karo. Coldoon waxa hore siyaabo kala duwan xabsiga loogu taxaabey xilligii Siilaanyo, Muuse Biixi iyo immika oo Cirro madaxweyne ka yahay Somaliland.

Intii aan la xirin waxa uu tagey magaalo lagu magacaabo Bohol oo hoostagta Gobolka Sool taas oo reerka uu ka soo jeedaa ay deggan yihiin. Cabdimaalik ayaa xilligaa sheegay in uu goob ammaan ah ku sugan yahay. Mardambe ayaa se laga qabtey magaalada Berbera sida saxaafaddu warisay.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences