SOMALILAND: Fiqi waxa sannadkii 2006 lagu xirey Hargeysa.

Tuesday May 06, 2025 - 14:48:38
Liibaan Jeexoow
Xeer Ilaaliye Xigeenkii hore ee maamulka Somaliland Mawliid Cabdi Maax ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka lagu xirey Hargeysa sabab la xiriirta in uu ku eedaysnaa fal-dembiyeed.
"Fiqiyow xumaanta aad u qabto Somaliland waxay tahay in horraantii 2006 aad timi Somaliland oo lagugu xidhay Caasimada Hargaysa, waxaana lagugu xidhay fal dambiyeed lagugu tuhunsanaa, markaa fiqi waxaan leeyahay Somaliland way haysaa xogtaadii” ayuu yiri Maax.

Fiqi ayaa marar badan siyaabo kala duwan uga hadla maamulka Somaliland taas oo mararka qaar uu si dadban u tilmaamo in qabaa’ilka lagu kiciyo nidaamka Somaliland taas oo uu sheego in ay qorshaha ugu jirto in Waqooyiga saddex qaybood loo qaybiyo.

Shaley oo uu la kulmay hoggaamiyaha maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa uu xusay in sidan oo kale ay u soo dhaweyn doonaan Awdal-State oo aan jirin. Xaalka Soomaaliya ayaa ah maamullo yaryar oo aan tabar lahayn badankooduna aanay ka amar qaadan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences