"In ka badan 200 oo askari ayaa ku geeriyootay Aadan Yabaal…" Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Banaadir.

Saturday April 19, 2025 - 14:09:19
Liibaan Jeexoow
Waxaa isa soo taraya xaqiijinta khasaaraha ka dhashay weerarkii cag-marinta ahaa ee dagaalyahannada Al-Shabaab kula wareegeen gacan-ku-haynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle ayaa sheegay in maleeshiyaadka Gurguurte khasaare xooggan lagu gaarsiiyey dagaalkii Aadan Yabaal.

"Aadan Yabaal oo ah dagmo ay dad Soomaliyeed deggen yahiin waliba dad ehel ah, waxaan ku weynay in ka badan 200 oo wiil…” ayuu yiri Ibraahim Mahad-Alle, mar uu qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyey in maleeshiyaadkii dagaalkaasi ku dhintay uu ka mid ahaa Ismaaciil Tuur Yare oo uu sheegay inuu hoggaaminayay maleeshiyaad tiradoodu u dhaxeysay 750 ilaa 800 oo askari.

Waxa kale oo Mahad-Alle uu carabaabay in taliyahani uu ka mid ahaa maleeshiyaadkii kasoo dagaallamay gobolka Hiiraan, isla markaana hoggaaminayay dagaalladii ka dhacay degmada Xarardheere.

Qaaqleyaasha baraha bulshada ayaa saacadihii lasoo dhaafay si gaar ah ugu baroor-diiqayay sarkaalkan oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii Xasan Gurguurte uu xaabada ka dhigtay.

Sidoo kale qaaqlayaasha ayaa aad u wareejinaya in nolol iyo geeri mid toona aan lagu hayn saraakiil iyo askar fara badan oo qayb ka ahaa dagaalkii Aadan Yabaal. Waxaanan hoos idinkula wadaagayaan sawirrada askartaasi dhegta dhiigga loo daray.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in maleeshiyaad fara badan ay dhegta dhiigga u dartay kadib markii ay cagta mariyeen ugu yaraan 10 xero oo ku yaallay gudaha iyo daafaha degmada Aadan Yabaal.

Sidoo kale bayaan uu soo saaray taliska millateriga Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay in dagaalkaasi ay kula wareegeen saanad millateri oo aad u fara badan isla markaana ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal.

Xaaladda magaallada Aadan Yabaal iyo deggaannada ku xeeran ayaa deggan, waxaana maalintii saddexaad ka babanaysa raayada Tawxiidka.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

TELEGRAM

FACBOOK

Related Items

Update cookies preferences