Reysal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa sheegay goor dhaweyd in Dowladda Federaalku falal sharci darro ah ka waddo qaybo kamida Gobolka Banaadir.
Xasan Khayre ayaa Xukuumadda Xasan Sheekh ku eedeeyay in ay cabsi gelin iyo qafaal ka waddo Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
"Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda.” Ayuu yiri Khayre
Dhanka kale waxa uu xukuumadda Xasan Sheekh ugu baaqey in ay ka laabato amarka uu ku sheegay caburinta.
"Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu degdeg uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska ahayn ee uu ku riyoonayo”
Xasan Sheekh ayaa ku adkaysanaya in uu qabto doorasho qof iyo cod ah taas oo looga gudbayo hannaankii Teendhada Xalane ee lagu soo doortay isaga iyo kuwii ka horreeyay.
Tan waxa aad uga soo horjeestay mucaaradka Muqdisho iyo labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.