Madaxweynaha maamulka goonni-goosiga ah ee Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa maanta markii ugu horreysay ka hadlay safarka uu Reysal Wasaaraha Feseraalku ku yimid Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.
Cirro waxa uu safarkaas ku tilmaamey mid qeyrul mas’uulnimo ah oo wixii ka yimaadda ay madaxa saaran doonto Dowladda Federaalku.
"Safarka Prime Minister-ka Soomaaliya ee qayrul-mas’uuliyaddu ka muuqato ee uu ku yimid qaybo kamida Somaliland wixii khasaare ka dhasha waxa qaadi doonta Soomaaliya” ayuu yiri Cirro.
C/Raxmaan-Cirro waxa uu intaa raaciyey in uu nabaddana ka shaqaynayo isla markaana uu difaacayo "dalkiisa”.
Hadalka Cirro ayaa imanaya xilli Wasiirka Koobaad ee Federaalka Xamse Cabdi Barre uu tagey Laascaanood.
Safarkaas oo uu Wasiirka Dibedda ee Fiqi uu ku sheegay mid lamida kii lixdankii midnamada lagu keenay.
Dhanka kale Xasan Sheekh oo xaley warbaahinta la hadlay waxa uu ka dhawaajiyey in safarka Reysal Wasaaruhu keliya yahay mid dhinacyada Somaliland iyo maamulka cusub ee SSC lagaga dhalinayo nabad iyo jawi wada hadal.
SSC-Khaatumo waxa ay rabtaa in loo aqoonsado maamul kamida kuwa taabacsan Federaalka oo ah 5 Maamul Goboleed.