Madaxweynaha maamulka goonni-goosiga ah ee Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa maanta khudbad ka horjeediyay Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland taas oo uu kaga hadlay waxyaalo badan.
Cirro ayaa ka hadlay xiriirkooda Itoobiya iyo Jabbuuti oo uu ka shanqariyey in uu sii xoojin doono isla markaana uu safar ku tegi doono labadaas dal.
"Xukuumadda Somaliland waxay sii xoojinaysaa xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan deriswanaagga, walaaltinnimada iyo iskaashiga ee aynu la leennahay dalalka Itoobiya iyo Jabbuuti, waxaanna qorshaynaynaa safarro aan ugu bixi doonno dalalkaas” ayuu yiri Cirro.
Xukuumaddii ka horreysay ee Muuse Biixi ayaa xiriirka u jartey Jabbuuti isla markaana heshiis badeed la saxiixatey Itoobiya. Taa beddelkeeda Cirro waxa uu sheegay in uu soo celinayo xiriirka Jabbuuti.
Khilaafka siyaasadeed ee Jabbuuti iyo Somaliland ayaa salka ku hayey arrimo dhaqaale maaddaama oo SL bad siinaysay Itoobiya. Jabbuuti si ay taa uga hortagto waxa ay Itoobiya u soo bandhigtay dekedda Tajoora.
Waxa kale oo uu soo qaatey in waxqabadkiisii 100 maalmood ay kamid ahayd in uu ka qayb galey madal caalami ah oo ay soo xaadireen in ka badan 140 dal shirarkaas oo ay ka soo qayb galaan maalgashadeyaal waaweyni.
C/Raxmaan-Cirro waxa uu sidoo kale markale ku celiyay ka hadalka safarkii RW Federaalka ee uu ku tagey Laascaanood kaas oo uu ku macneeyay mid sababi kara colaado sokeeye.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACEBOOK