Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan fool ka fool ah oo Isniintii shalay qasriga madaxtooyada ee maamulka la baxay Somaliland ku dhex-maray madaxweyne C/Raxmaan-Cirro iyo Teshome Shunde Hamito oo ah safiirka Itoobiya u qaabilsan Somaliland.
Kulankan oo Cirro uu ku weheliyey wasiirkiisa arrimaha dibadda C/Raxmaan Daahir Aadan ayaa sida ay wararku sheegayaan lagu gorfeeyey xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, diblomaasiyadda iyo joogtaynta kulannada labadada dhinacba wax-tarka u leh.
Wadahadalkan oo lagu tilmaamay mid kusoo idlaaday guul iyo is-afgarad ayaa sidoo kale la isla gartay in wada-jir looga shaqeeyo isu-socodka bulshada Sida lagu shaaciyey warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay madaxtooyada maamulka Hargeysa.
Wadaxaajoodka ayaa imanaya maalin uun kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Yahuudda, Gideon Sa’ar uu safar ku tagay Itoobiya, isla markaana uu Addis Ababa kula shiray R/Wasaare Abiy Axmed iyo dhiggiisa Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sahaayuuniyada ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay saaxiib muhiim ah oo Yahuuddu ay leedahay, isagoo shaaciyey in booqashadiisu ay bar-bilaw u tahay hawl-gelinta iyo luga-fidsiga Yahuudda ee qaaradda Afrika.
Sa’ar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qorshaha maamulkooda Sahaayuuniyadu uu yahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xaqiijinta riyada iyo guusha Itoobiya, isla markaana u xoojin lahaayeen xiriirka soo jireenka ah ee labada dhinac.
Wasiirka arimaha dibada Itoobiya ayaa geestiisa soo hadal-qaaday werwerka ay ka qabaan wax uu ugu yeeray argagixisnimada oo uu sheegay in labadooda maamulba ay khatar ku yihiin, isagoo tilmaamay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga amniga ee ay la leeyihiin Yahuudda.
Itoobiya ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u saaran sidii ay ku xaqiijin lahayd hir-gelinta damaceeda gurracan ee xayuubsiga qaybo ka mida Badda Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha dhaca dhulka uu ka arrimiyo maamulka Somaliland oo heshiis is-afgarad ay la gashay madaxii hore ee maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+LX775Tf24bcyZjk0