Wararka aan ka helayno gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa sheegaya in xalay fatahaad badeed ka dhacdey Magaalada Seylac ee Gobolka Awdal.
Fatahaadaha ayaa la sheegayaa in ay dhaliyeen khasaare maaliyadeed balse aan wali la sheegin khasaare nafeed.
Guddoomiyaha Degmada Saylac Cabdi Siciid Faahiye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan ceelal badan oo ay dadku ka cabbi jireen oo duugmay.
"Wax khasaare ah waxa jira ceelal ku dhow ilaa 300 ceel oo ay fatahaaddu aastay” ayuu yiri Guddoomiyaha Seylac.
Fatahaadda ay baddu samayso ayaa Guddoomiyuhu sheegay in ay sannadkiiba mar dhacdo laakiin tani kuwii hore ka awood badnayd.
Waxa kale oo uu intaa ku daray in moosaskii biyaha celinayey ay baddu soo jabsatey taas oo ay dayactir ku samayn doonaan.
Degmada Seylac ayaa ka mida meelaha ugu taariikhda weyn dhulka Soomaalida taas oo uu ku yaallo masaajidka qiblateynka isla markaana ahayd meelihii ugu horreeyay ee saxaabada Rasuulku ka soo dageen.
Seylac hadda waa degmo ka tirsan Gobolka Awdal ee dhulka uu ka arriyo maamulka gooni-goosadka ah ee la baxay Somaliland.