Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga ayaa nidaamka Abiy Axmed ku eedeeyey in uu wado go'aanno hal dhinac ah oo saamaynaya dadka Tigrey-ga, sida lagu sheegay war-murteed laga soo saaray shir socday shan maalmood oo ay yeesheen golaha dhexe ee TPLF.
Bayaanka ay kooxda TPLF soo saartay ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay dhaqan-gelinayso awaamiir iyo xeerar hal dhinac ah oo ka dhan ah heshiiskii nabadda ee 2022-kii ay ku wada gaareen magaallada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Golaha dhexe ee TPLF ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay hir-gelin la’aan ka jirta heshiiskaasi maadaama ayay yiraahdeen dhibaatooyinkii dagaalladu ay weli jiraan, isla markaana saamayntoodu ay siyaabo kala duwan uga socdaan guud ahaan gobolka.
Waxa kale oo golahu uu ka dhawaajiyey in ay jiraan dedaallo xagal-daacin ah oo ka socda gudaha gobolka iyo dibaddiisaba oo lagu kala qaybinayo midnimada dadka Tigrey-ga. Waxaanay rajo ka muujiyeen wax ay ku sheegeen halgan ka dhan ah gumaysteyaasha soo duullay.
War-saxaafadeedka kooxda TPLF ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay dibu eegis ku samaynayaan isbadalada juqraafiyeed ee ka jira gobolka oo keeni kara ayay yiraahdeen isku dhac, loona baahan yahay in laga feejignaado.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli isbedel lagu sameeyey madaxa ugu sarreeya maamulka KMG ah ee Tigrey, kaas oo 8 bishan April loo magacaabay Jeneraal Tadesse Werede Tesfay, kadib markii xilkaasi uu Abiy Axmed ka casilay maqaar-saarkiisii hore ee Janaraal Getachew Reda.
Isbadalkan lagu sameeyey hoggaanka Tigrey oo uu soo dhaweeyey TPLF gaar ahaan garabka Debretsion Gebremichael ayaa daba socday xurguf in muddo ah ka dhex aloosnayd garabka Gabremichael iyo maamulka KMG ah ee gobolka Tigrey.