"Ma noqon doono gorgortanka khilaafaadka bariga dhexe" Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Monday April 28, 2025 - 12:06:23
Liibaan Jeexoow
Wargeyska Daily Euro Times ayaa maalintii ina dhaaftey wareysi la yeeshay Wasiirka Dibedda maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Aadam kaas oo wax laga weydiiyey Shiinaha iyo galaangalkiisa Geeska Afrika, Taywaan iyo nooca xiriir ee ay la leeyihiin, ictiraaf raadinta iyo dekedda Berbera.
Somaliland oo wax laga weydiiyey haddii Shiinuhu taageerayey SSC-Khaatumo taasi ay walaac ku keenayso Somaliland oo xiriir xooggan la leh Tawyan, waxa uu kaga jawaabey in SL xiriirkeedu ku kooban yahay la dagaallanka Burcad Badeedda iyo kobcinta dhaqaalaha waxaanu intaa ku daray in ay ka war hayaan galaangalka iyo xeeladaha Shiinaha.

Mar wax laga weydiiyey in ay ictiraafka ay ku beddelanayaan aqbalidda qoxoontinnimo ee dadka Qaza waxa uu ku jawaabey in arrintoodu ay salka ku hayso mabaadi’ oo aanay ‘qaddiyadda’ ku doorsanayn dhexgalidda arrimaha Bariga Dhexe ee cakiran.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyey warqaddii Xasan Sheekh u direy Trump bishii ina dhaaftey ee ahayd in Mareykanku qaato dekedo ay kamid tahay Berbera waxa uu kaga jawaabey in taasi ku koobnayd keliya qoraal isla markaana aan Trump ka jawaabin balse qofkii raba Berbera waa in uu la xiriiraa Hargeysa ee aanu tagon Muqdisho ayuu yiri.

Maamulka Somaliland tan iyo intii Cirro la doortay waxa ka arkayaa dhaqdhaqaaq ka badan intii hore oo uu maamulkaasi ku rabo aqoonsi caalami ah.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences