Siisi iyo Geelle oo wada-jir u shaaciyey inay kasoo hor-jeedaan wax walba oo khatar ku ah amniga Badda Cas.

Thursday April 24, 2025 - 11:20:41
Liibaan Jeexoow
Wefti uu hor-kacayo madaxweynaha dalka Masar C/Fataax As-siisi ayaa arbacadii shalay safar ku tagay caasimadda dalka Jabuuti.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa dalka Masar kusoo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Jabuuti, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyadu.

Kulan deg-deg ah oo halkaasi ay ku yeesheen labada madaxweyne ayaa lagu gorfeeyey xaaladaha murugsan ee ka aloosan Badda Cas.

Wufuud kala metelaysay labada dhinac ayaa goob-joog ka ahaa kulankaasi oo la sheegay in lagu gaaray heshiisyo dhowr ah oo la kala saxiixday iyo is afgarad.

Shir-jaraa’id oo ay wada-jir u qabteen labada hoggaamiye ayay ku shaaciyeen inay kasoo hor-jeedaan wax walba oo khatar ku ah amniga Badda Cas.

Waxay isla qaateen in dhammaan dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay sugidda ammaanka marin-badeedkan caalamiga ah.

Sisi ayaa sidoo kale goobtaasi ka sheegay isla markaana kaga dhawaaqay in la aasaasay golaha ganacsatada Masar iyo Jabuuti.

Waxa kale oo Siisi uu xusay in uu kala hadlay dhiggiisa Jabuuti fulinta mashaariic ay iska kaashanayaan Masar iyo Jabuuti oo isugu jira kuwo guud iyo kuwo gaar ah.

Mashaariicdan ayaa lagu soo warramayaa inay ka mid yihiin fulinta mashruuc la sheegay in lagu ballaarinayo dekedda Koonteenarada ee Dooraale.

Siisi waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo Geelle ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xidhiidhka dhaqaale iyo ganacsi ee laba geesoodka ah.

Heshiisyadan ayaa imanaya xilli dawladda Xabashida Itoobiya ay xusul-duub ugu jirto in xoog ama xeelad ay ku xayuubsato marin-biyood ay ka hesho xeebaha Soomaaliya.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences