Abiy Axmed oo xil ka xayuubin ku sameeyey madaxweynihii ismaamulka Tigrey.

Wednesday March 26, 2025 - 12:06:53
Liibaan Jeexoow
R/wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu bedelayo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee ismaamulka Tigrey, Getachew Reda.
Bayaankan oo saaka soo baxay ayuu ugu baaqay Tigreyga inay ka qayb-qaataan magacaabista musharraxiinta u taagan jagada madaxweynaha maamulkaasi.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in la kordhiyey wakhtiga maamulka ku-meel-gaarka ah oo uu ka dhawaajiyey in dhawaan uu dhammaaday.

Getachew Reda ayaa muddooyinkan u dambeeyey dibad-wareeg ku ahaa Addis Ababa, kadib markii garabka mucaaradka ee TPLF ay kala wareegeen deggaanno badan oo hoos-tagayay maamulkiisa.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli kala qaybsanaanta ka dhex jirta kooxda TPLF ay cirka isku shareertay, isla markaana ay laba garab u kala jabeen.

Garab uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael iyo garabka Getachew Reda. Waxaanu khilaafkoodu soo shaac-baxay wixii ka dambeeyey shirwaynihii 14-aad ee August 2024.

Kooxda Debretsion ayaa horey ugu dhawaaqday in Getachew Reda iyo mas’uuliyiin kale ay xilalkoodii ka xayuubiyeen.

Maamulka ku-meel-gaadhka ah ee gadhwadeenka uu ka ahaa Getachew ayaa dhankooda ku eedeeyay kooxda Debretsion inay wadaan afgambi.

Khilaafka ayaa sii laba-laxaadsaday todobaadkii hore ka dib markii Getachew uu shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo ka tirsanaa taliyayaasha ciidamada.

Kooxda Getachew ayaa ku eedeeyay jeneraallada in ay ku hawlan yihiin falal ka hor imanaya go’aannada dawladda.

Bishii Nofembar ee sannadkii hore Getachew wuxuu qirtay in loolanka awoodeed ee ka dhex jira TPLF uu si weyn u saameeyay xasilloonida siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Tigrayga.

Waxa hadda la saadaalinayaa in R/wasaare Abiy uu booskii Getachew ku bedeli doono ku-xigeenkiisii Gen Tadesse Werede, oo ah hoggaamiya caan ka ah gudaha Tigrey.

Tadesse Werede ayaa la sheegay in door muhiim ah uu ku lahaa abaabulka ciidamada Tigrayga labadii sano ee uu socday dagaalkii ka qarxay gobolka Tigrey 2020.

Related Items

Update cookies preferences