Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo la hadley Warbaahinta Yuhuudda ee KAN ayaa sheegay in keliya ay ka hadli karaan arrimaha la xiriira barakicinta reer Falastiin haddii dhinacyadu ay Somaliland la samaynayaan xiriir diblomaasiyadeed oo madax bannaan.
"Dhammaan waddamada raba ama danaynaya in ay nagala hadlaan arrimaha/mawduucyada gaarka ah waa in ay marka hore nala sameeyaan xiriir diblomaasiyadeed” ayuu yiri Cabdiraxmaan Daahir.
Wasiirka Dibedda maamulka Somaliland ayaa intaa ku darey sida saxaafadda Yuhuuddu werisay in waxa ugu muhiimsan ee ay doonayaan ay tahay in la aqoonsado ka dib markii ay raacdaynayeen ictiraafka muddo 33sano ah.
Bishan aynu ku jirno bartamaheedii ayaa Wakaaladda AP ay magacowday in saddex waddan oo kala ah Somalia, Sudan iyo Somaliland ay kala hadleen qaabilidda dadka la soo barakicinayo ee Reer Falastiin.
Sudan iyo Somaliland ayaa sheegay in aaney cidi xiriir kala samayn bara-kicinta Filastiin, halka Wasiirka Dibedda ee Fiqi uu si cad u diidey arrintaas isla markaana waxa uu sheegay in aanay aqbalayn in la barakiciyo shacabka Falastiin.