Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa hadal hayn badan ka dib ka hadley arrinta ku saabsan barakicinta Falastiiniyiinta.
Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ah Wasiirka Dibedda Somaliland oo goor dhaweyd qoraal ku baahiyey bartiisa X wuxu caddeeyay in aanay jirin wax wada-hadal ah oo ku saabsan barakicinta Falastiin in aaney cidna la yeelan.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Somaliland aqoonsi raadinteedu la xiriirto taariikh, waxa loogu yeero dimuquraadiyadda iyo dowladnimo.
"Somaliland lama ay gelin dood iyo heshiis midnaba kaas oo ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta, Somaliland aqoonsi raadinteedu waa mid la xiriirta taariikh, dimuquraadiyad iyo dowladnimo” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Geesta kale waxa uu tibaaxay in warbaahinta Al Jazeera ay ku been abuuratey waxyaabaha ay baahiseyna aanay sal iyo raad toona lahayn.
Maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa sheegay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991 laakiin wali ma helin aqoonsi caalami ah.