SAWIRRO: Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Galmudug oo shalay lagu laayay duleedka Dhuuso-mareeb.

Monday March 31, 2025 - 12:38:51
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya weerar shalay ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kuwa Galmudug.
Weerarkan ayaa yimi kadib markii sida la sheegay xoogagga Al-Shabaab ay ka war-heleen dhaqdhaqaaqyo ay maleeshiyaadkaasi ka sameeyeen duleedka Dhuusomareeb.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in 8 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Qoorqoor lagu dilay weerarkaasi, kuna furteen jihaadiyiintu 8 qori oo 6 kamid ah ay yihiin AK47, iyo 2 qori oo RPG ah.

Al-Kataa’ib oo ah maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhawayd baahiyey sawirrada maleeshiyaadka Qoorqoor oo bilqan iyo weliba saanaddii millateri ee laga soo furtay.

Sawirrada oo dhamaystiran waxaad kaga bogon kartaan telgramka: https://t.me/somalimemonews

Related Items

Update cookies preferences