SAWIRRO: 33 askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallo ka dhacay duleedka Afgooye.

Tuesday April 01, 2025 - 13:42:04
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya dagaal xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Gurguurte maanta iyo shalay ku dhex-maray duleedka degmada Afgooye.
Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa lagu soo warramayaa in si xun loogu jabiyey maleeshiyaadka Guguurte, lagana dilay ugu yaraan 9 askari.

Sidoo kale dagaal maalinnimadii shalay ka dhacay isla duleedka Afgooye, ayaa si weyn loogu wiiqay maleeshiyaadka Gurguurte.

Ilo-wareedyo aanu ka helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte kuna jiray nin sarkaal ah lagu dilay dagaalladaasi shalay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale hawl-galkaasi ku dhaawaceen ugu yaraan 14 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka DF Somaliya.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weerarkan kusoo furtay saanad millateri oo ay ka mid yihiin 2 qori AK47 ah, Qori PKM ah iyo Qori RBG ah.

Al-Kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa goor dhawayd baahiyey sawirrada maydadka maleeshiyaadka Gurguurte oo bilqan goobihii lagu diriray.

Sawirradaas oo muujinaya jabka xooggan ee gaaray maleeshiyaadka Gurguurte ayaa iyagoo dhamaystiran aad kaga bogon kartaa telegram-ka https://t.me/somalimemonews.

Related Items

Update cookies preferences