Dowladda Shiinaha ayaa cambaareysay xiriirka ay ku tilmaameen mid sii xoogeysanaya oo ka dhexeeya maamullada goonni-goosiga ah ee Taywaan iyo Somaliland.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Wang Yu oo u warramay warbaahinta maxalliga ah ee Dalsan ayaa sheegay in Taywaan aaney ahayn qaran iyo dowlad tooba balse ay tahay dhul muhiim ah oo Shiinaha ka tirsan.
"Waxa jira hal Shiine oo adduunku aqoonsan yahay, Taiwan-na taas uun bay kamid tahay. Waxa jira dalal badan oo nagu taageersan mideynta China” ayuu yiri Wang Yu.
Dhanka kale waxa uu safiirku sheegay in ay si xooggan uga soo horjeedaan taxaalufka siyaasadeed ee Taipei iyo Hargeisa.
"Tawyaan waxay gacansaar la leeyihiin cududda siyaasadeed ee Hargeysa oo si cad ugu ololaynaya goonni isutaagga, arrintaasna si cad baan uga soo horjeednaa”.
Dhanka kale waxa uu safiirku tilmaamay in Dowladda Federaalka iyo Shiinuhu iska kaashanayaan danaha waaweyn ee ka dhexeeya. Shiinuhu wuxu taageero siinayaa Soomaaliya si ay u ilaaliso madaxbannaanideeda dhuleed.
Xiriirka Tiawan-Somaliland ayaa bilaabmay wixii ka dambeeyay 2020-kii kaas oo marba marka ka dambeeya sii xoogeysanayey. Jasiiradda Taywaan ayaa mashaariic ka fulisay Somaliland.