Madaxweynaha dalka Jabbuuti Ismaaciil C. Geelle ayaa maanta si rasmi ah u buuxiyey booskii uu banneeyay Maxamuud Cali Yuusuf oo dalkaas muddo kasoo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda.
Maxamuud oo dhawaan loo doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee ururka Midowga Afrika ayaa lagu beddelay Cabdilqaadir Xuseen Cumar.
Cabdilqaadir Xuseen ayaa ahaa Safiirkii dalka Jabbuuti u fadhiyey dalka Carbeed ee Kuweyt.
Tan iyo doorashadii dhawaan lagu qabtey Itoobiya ee loogu tartamayey xilalka ugu sarreeya ururkaas ka dib waxa bannaanaa booska Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabbuuti.
Dowladda Federaalka ayaa soo dhawaysay xilka cusub ee loo doortay Jabbuuti balse waxa xusid mudan in Wasiirkii hore ee Dibedda Jabbuuti uu dhawaan ka soo degay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho isaga oo sheegay in caalamku hadda ka sii jeestay Soomaaliya.