53 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari oo maanta ka dhacay Itoobiya.

Tuesday May 13, 2025 - 15:18:53
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil baabuur oo geystay khasaare culus oo maanta ka dhacay deggaanka Senen Dugo ee galbeedka Hararge oo hoos-taga ismaamulka Oromada.
Shilkan ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof, waxaana ku dhaawacmay 25 qof sida uu warbaahinta Fana u xaqiijiyey madaxa xafiiska isgaarsiinta ee aagga Farid Yisak.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shilkani uu dhacay kadib markii uu si lama filaana u rogmaday baabuur rakaab ah oo noociisu ahaa IZUZU, kaas oo siday 42 qof iyo weliba agab kala duwan.

Baabuurkan qallibmay ayay wararku tibaaxayaan in uu kasoo shiraacday magaalada Waldaya ee xarunta gobolka Wollo, kuna sii jeeday degmada Mesela ee galbeedka Hararge.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan Itoobiya, bartamaha bishii lasoo dhaafay ee March ayay ahayd markii 20 qof ay ku dhinteen shil gaar oo ka dhacay buundada magaalada Bedesa ee gobolka Wolaita ee Koonfurta Itoobiya.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan:



Related Items

Update cookies preferences