Kulanno siyaasadeed oo ka dhan ah madaxa kooxda Villa Soomaaliya, Xasan Gurguurte ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka socday magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.
Maalinnimadii shalay magaalada Nayroobi waxaa ka qabsoomay shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiin horey xilal u soo qabty oo ay ka mid ahaayeen Saddex xubnood oo soo noqday R/Wasaaraha kooxda Villa Somaliya oo kala ah Cabdiweli Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon iyo Maxamed Xuseen Rooble iyo sidoo kale Goduumihii hore ee barlamaanka riddada Maxamd Mursal.
Shirkan ayaa lagu gorfeeyey xaaladda guud iyo jahawareerka siyaasadeed ee Xasan Sheekh uu geliyey dalka sida bartiisa bulshada uu ku sheegay R/wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ahaa siyaasiyiintii madashaasi isugu timid.
Rooble waxa uu xusay in siyaasiyiintii kulankaasi kasoo qayb-gashay ay si wada-jir ah hoosta uga xariiqeen in Gurguurte iyo maamulkiisuba ay halis ku hayaan dalka isla markaana wax turaale ama damqasho ah aanay u hayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Xubnaha kulankan isugu yimi ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in hab-dhaqanka kooxda Villa Somaliya uu dhaawac u geysanayo danaha ummadda Soomaaliyeed, xilli bulshaduna si weyn uga welwelsan tahay ayay yiraahdeen ficillada gurracan ee Xasan Gurguurte.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan: