Hawl-gal kale oo lagu naafeeyey maleeshiyaadka Gurguurte oo isla maanta ka dhacay Muqdisho.

Wednesday May 14, 2025 - 13:47:37
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale qarax culus la beegsaday Kantarool ay maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin xerada Dhista ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in qaraxaasi uu geystay dhimashada ugu yaraan 2 askari oo ka mida maleeshiyaadkii la weeraray iyo dhaawaca 2 kale

Hawl-galkan ayaa kusoo aadaya xilli maleeshiyaadka Gurguurte ay la rafaadsanaayeen khasaaraha qarax culus oo isla maanta ka dhacay degmada Dayniile kaasi oo galaaftay nolosha ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte.

Qaraxan oo isna ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, xilli iyagoo kolonyo ah ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen inta u dhaxeysa degmada Dayniile iyo deegaanka Ceel-shaale.

Weerarkan ayaa sidii aanu horeyba idiinku soo tebinay lagu gubay ugu yaraan Saddex gaari oo noocoodu ahaa Cabdi Bile, kuwaasi oo ka mid ahaa kolonyadii maleeshiyaadka ee saaka la weeraray.

Hawl-gallada ka dhanka ah maleeshiyaadka ashahaado-la-dirirka ah iyo ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan:

Related Items

Update cookies preferences