Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa xalay ku dhawaaqey urur siyaasadeed cusub oo loo bixiyey Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka.
Xaflad lagu qabtey magaalada Muqdisho oo ururkan lagu daahfurayey ayaa waxa lagu doortay Guddoomiye, 4 Guddoomiye Xugeen iyo Xoghaye.
Xasan Sheekh ayaa loo doortay Guddoomiyaha ururka halka Lafta-gareen, Xamse Cabdi Barre, Jaamac Saalax iyo Sacdiyo loo doortay Guddoomiye Xigeenno ugu dambayna Odowaa loo doortay Xoghaye.
Ururkan cusub waxa ka soo horjeeda Siyaasiyiinta Mucaaridka iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland.
Axmed-Madoobe oo shaley warbaahinta la hadlay ayaa Xasan Sheekh ku tilmaamey mid furanaya xisbi lamida kii Hantiwadaagga Kacaanka.
Dhanka kale waxa markii labaad Mareykanku diidey in uu bixiyo lacagtii ‘Hawlgalka AUSSOM’ ee lagu ilaaliyo Dowladda Federaalka.
Dadka ka hadla arromaha siyaasadda ayaa sheegaya in Soomaaliya taagan tahay isgoys hubanti la’aan ah.
Dhanka kale waxa rajo weyn laga qabaa in sidii Daalibaan ka dhacdo Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee Xasan Sheekh ayaa xusul duub ugu jira sidii uu u qaban lahaa doorasho keligii ah taas oo la rumaysan yahay in haddii ay dhacdo isaga dib loo dooran doono.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan: