Somaliland iyo Puntland oo isdhaafsaday 26 Maxbuus.

Wednesday April 30, 2025 - 11:17:04
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya in goor dhawayd lala kala wareegay maxaabiis ka mid ah kuwii lagu kala qabsadey Laascaanood sannadkii 2023 ee ina dhaafey.
Somaliland ayaa maalintii ina dhaaftey ku dhawaaqday in ay ka shaqaynayso sii daynta maxaabiista iyo isu socodka ganacsiga.

Halka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdilahi Deni uu mar ka horreysay farriin sidaas oo kale ah gudbiyay.

Somaliland waxa la sheegay in ay wareejisay 11 maxbuus halka Puntland ay wareejisay 15 maxbuus oo goor dhawayd laga dejiyey garoonka Hargeysa.

Taliye Jimcaale oo ka mida saraakiisha Puntland ayaa yiri "Maxaabiista la soo daayey waxaa ku jira saraakiil ka tirsan Guutada DANAB ee ciidanak Puntaland…”

Labada maamul ayaa siyaabo kala duwan uga soo horjeeda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Geesta kale waxa labada maamulba ka caroodeen booqashadii RW Soomaaliya uu ku tagey bishan bartamaheedii Laascaanood halkaas oo labada maamulba sheegan jireen.

Si kastaba ha ahaatee tani waxay bilow u tahay in dadka shacabka ahi ay xaaladdii caadiga ahayd ku noqdaan halkaas oo isu socodka dadka iyo ganacsigu caadi ka ahaa.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences