Warsaxaafadeed goor dhawayd ay wada-jir usoo saareen mucaaradkii ugu miisaanka iyo tirada badnaa ee ka hor'yimaadda kooxda Villa Somaliya ayaa lagu eedeeyey Xasan Gurguurte in uu wado ajandayaal ka dhan ah dadka iyo dalka Soomaaliya.
Mucaaradku waxay sheegeen in Gurguurte uu ka takri-falay dantii caamka ahayd, isla markaana uu door-biday dan shakhsi, kooxaysi siyaasadeed, tallaabooyin sii kala fogaynaya dadka iyo weliba digtaytarnimo.
Waxa ay mucaaradku war-saxaafadeedkoodan ku qireen in dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deggaanno fara badan, kuwaas oo ay sheegeen in naf iyo maalba uu ku baxay sanad iyo bar ka hor sidii looga saari lahaa Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedkan ay soo saareen mucaaradku waxa kale oo uu sii iftiimiyey fashilka iyo dhiiqada ay cagaha kula jiraan kooxda Villa Somaliya kadib guul-darradii baaxadda lahayd ee maleeshiyaadkooda kasoo gaartay furimaha dagaalka.
"Kalitalisnimada, ku-takrifalka awoodda, musuqa iyo maamul-xumida baahsan, faquuqista siyaasadeed iyo cadaalad-darrada, waxay shacabka ku ridday quus iyo rajo la’aan…” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedkan oo ay soo saareen miciyo-weynta siyaasadda federaalka Soomaaliya.
Waxay sheegeen in gabi ahaanba ay dhimatay wixii la oranayay Madasha Wadatashiga Qaran, kadib markii Gurguurte uu kooxaysi ka door-biday ayay yiraahdeen kaalintii hoggaamineed ee la iskugu keeni lahaa maamullada federaalka.
Waxay ku baaqeen in wada-tashi la isugu yimaaddo si dalka looga badbaadiyo ayay yiraahdeen digtaytarnimada Gurguurte. Waxaanay uga digeen inuu joojiyo colaadda uu ka hurinayo Jubbaland isla markaana uu joojiyo afduubka siyaasadeed ee uu dalka ka wado.
Siyaasiyiintan warsaaafadeedkan soo saaray oo ka kooban 16 xubnood ayaa waxaa ku jira rag xilalka madaweynaha, raysal-wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka horey uga soo qabtay dalka, waxaanay kala yihiin:
Shariif Sheekh Axmed (Ex Madaxweyne)
Shariif Xasan Sheekh Aadan (Ex Guddoomiye Baarlamaan)
Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan (Ex Guddoomiye Baarlamaan)
Maxamed Xuseen Rooble (Ex R/Wasaare)
Cumar C/Rashiid Cali Shar-ma’arke (Ex R/Wasaare)
Cabdi Faarax Shirdoon - Saacid (Ex R/Wasaare)
C/Wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif (Ex Wasiir)
C/Raxmaan C/Shakuur Warsame (Xildhibaan Baarlamaan iyo Ex Wasiir)
Axmed Ciise Cawad (Ex Wasiir)
C/Qaadir Casoble Cali (Xildhibaan & Ex Musharax Madaxweyne + Ex Wasiir)
Dr C/Nuur Sheekh Maxamed (Ex Wasiir)
Dr C/Naasir Cabdille Axmed (Ex Musharrax madaxweyne)
Eng C/Laahi Abuukar Xaaji - C/Laahi-Carab (Xildhibaan & Ex Wasiir)
Maxamed Cabdullaahi Siiriin (Ex Musharax Madaxweyne)
Bayaankan ayaa imanaya xilli Gurguurte uu ku dhawaaqay xisbi gacan-ku-rimis ah oo uu samaystay, kaas oo uu rabo in uu ku meel-marsado wax uu ugu yeeray doorasho qof iyo cod ah oo kooxaha mucaaradka iyo maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay si weyn uga hor yimaaddeen.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan: