Somaliland iyo Taiwan oo kala saxiixanaya heshiis la xiriira iskaashi millateri.

Sunday May 04, 2025 - 14:13:28
Liibaan Jeexoow
Maamullada gooni-goosadka ah ee Somaliland iyo Taiwan ayaa lagu soo warramayaa in heer gebogebo ah uu maraayo wada-hadal la xiriira heshiis millateri oo la filayo in dhawaan ay kala saxiixdaan, sida ay shaacisay Lipyan Express.
Warbaahintan oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah ayaa sheegtay in bartamaha sanadkan 2025 lasoo afjari doono heshiiskan oo la xiriira dhinaca iskaashiga ciidanka.

Heshiiskan ayay Lipyan Express sheegtay in Somaliland uu u sahli doono inay hesho maraakiib badda ee Taiwan iyo qalab ciidan oo Taiwan ay dhawaan ku kordhisay ciidamadeeda difaaca.

Askar ka tirsan maamulka Somaliland ayaa hore tababar gaar ah ugu soo qaatay dalka Taiwan, taas oo muujinaysa xidhiidh qoto-dheer oo ka dhexeeya labada deggaan, sida ay sheegtay Lipyan Express.

Iskaashiga labadan maamul ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso saamaynta Shiinaha ee guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika oo istaraatiiji ah.

Warbixintu waxay xustay in xeel-dheerayaashu ay farta ku fiiqeen in Taiwan iyo Somaliland labadooduba ay wajahayaan caqabado dublamaasiyadeed oo isku mid ah oo dhanka masraxa caalamiga ah.

"Labada dhinac midkoodna aqoonsi rasmi ah kama helin UN-ka ama beesha caalamka inteeda badan, maadaama ay sii wadaan xaqiijinta madax-banaanidooda inkasta oo Shiinaha iyo Soomaaliya ay kala sheeganayaan…” ayuu tiri warbixinta Lipyan Express.

Warfidiyeenka Lipyan Express ayaa sheegay, si arrintan ay wax uga waydiiyaan in xiriirro ay la sameeyeen Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, balse aanay ka helin wax jawaab ah.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii maamulka daba-dhilifka ah ee kooxda Villa Somaliya ay xayiraad kusoo rogeen baasaboorka Taiwan, arrintaas oo si weyn caraysiisay dawlado u badan kuwa reer-galbeedka.

Shiinaha ayaa tallaabadaasi soo dhaweeyey, balse mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa si weyn uga carooday waxaanay kooxda Gurguurte ugu goodiyeen inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:




Related Items

Update cookies preferences