MUQDISHO: Khasaaraha weerar lagu beegsaday kolonyo ay wateen maleeshiyaadka Gurguurte.

Wednesday May 14, 2025 - 12:11:04
Liibaan Jeexoow
Waxaa soo baxaya warar horu-dhac oo iftiiminaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku beegsadeen kolonyo ay wateen maleeshiyaadka Gurguurte oo dhaqdhaqaaqyo ka waday waday inta u dhaxeysa degmada Dayniile iyo deegaanka Ceel-shaale.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ay ku dhinteen weerarkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 3 gaari oo Cabdi Bile ah oo ka mid ahaa kolonyadii maleeshiyaadka lagu gubay hawl-galkaasi.

Weerarkan ayaa imanaya xilli maalmo ka hor xoogagga Al-Shabaab howl-gal qarax ah ka fuliyeen gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa lagu burburiyay guriga uu gudaha xerada Xalane ka deggenaa nin magaciisa lagu sheegay Macalin Cumar oo ah taliyaha ciidanka ilaaliya albaabka laga galo xerada Xalane.

Macalin Cumar oo sidoo kale ah sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyaadka sirdoonka ee NISA, ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray qaraxaasi.

Jaajuuskan ayaa lagu soo warramayaa in dhaawaciisu uu garaab yahay, kaasi oo si xun u dhibi jiray shacabka ku dhaqan xaafadaha u dhaw xerada Xalane.

Geesta kale jihaadiyiinta ka hawl-gal gobolka Bakool ayaa qarax la beegsaday askarta Xabashida Itoobiya, xilli iyagoo lug ah ay kusii jeedeen gegida diyaaradaha ee degmada Waajid.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan:



Related Items

Update cookies preferences